Wararka Maanta
Mid ka mid ah madaxda Baarlamaanka oo ku baaqay in dalka lagu maamulo shareecada Islaamka
MuqdishoPost: Talaado 25 November 2008

Guddoomiye K/Xigeenka Labaad ee Golaha BAarlamaanka Federaalka KMG Soomaalia Md. Cusmaan Cilmi Boqorre ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya looga baahan yahay inay dalka ku maamusho nidaamka Shareecada Islaamka. 

Hadalka Guddoomiye K/Xigeenka labaad ee Baarlamaanka ayaa sheegay isagoo ku sugan xarunta maamulka Gobolka Banaadir xilli ay ka dhaceysay xaflad xilka loogu wareejiyay maamulka cusub ee dhowaan loo magacaabay. 

“Wallaahi inaanu dalku degeynin xitaa 30-sano haddii ay ka soo wareegato ilaa Shareecada Islaamka looga maamulo” ayuu yiri Cusmaan Cilmi Boqore oo isweydiiyay sababta dowladda Federaalka dalka ugu maamuli la’dahay Shareecada Islaamka. 

Waxa uu ugu baaqay dhammaan maamulada dalka ee hoos yimaada dowladda Federaalka inay nidaamyadooda waafajiyaan ku dhaqanka Shareecada Islaamka, taasi oo uu ku tilmaamay in looga bixi karo dhammaanba dhibaatooyinka dalka ka jira. 

Waa markii ugu horeysay oo mid ka mid ah madaxda Baarlamaanka Soomaaliya soo jeediyo in dalka lagu dhaqo Shareecada Islaamka.

Xafiiska wararka Muqdisho
MuqdishoPost.com
webmaster@muqdishopost.com

   
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Copyright © Muqdishopost.com 2008 | webmaster@muqdishopost.com 
 Link...